.Dhamaanteen waxeynu rabnaa inaan ka faaidysanno waqtieena anagoo ku qabanaeyna wax faaido noo ah hadhow isla markaasna aanan beerdareyn waqtigeena oo aan ku qabsano wax faaido noo ah aakhiro iyo aduunba

Waxaa jira waxyaabo naga hor istaagsan inaanu waqtiga ka faaideynno oo aan noqono kuwa cimrgigooda wada faaido noqdo badankeenu caqabadeheena ama dhibaatooyinka guusha naga hor istaagsan weynu garaneynaaa hadana ma wajahno in aan ka taqalusno dhibaatadas .

Waxaa jira dad aan aqoon dhibaatoyinka guusha ka hor istaagan isla markaana wareersan oo doonaya iney ogaadaan dhibaatoyinkaas si ay wadadooda uga leexiyaan dhibaaatoyinkaas

Hadaba waxaan halkaan kuug soo kobay 4 shay oo larabo inaan ka adkaato si aad waqtigaaga uga faaideyso uuna noqdo waqti faaido leh ,

NO1. Adigoo suga niyad uyeelashada howl aad qabaneyso.

Qaladkaan waa qalad ay galaan dad aad ubadan maalinkaste in aad sugto howl aa qaban laheyd xilliga kumunaasabka ah majiraan wax la dhoho xilliga ku munaasabka ah waxaa dhici karta inuusan kusoo marin waqti kale oo aad wax ku xaqiijiso howshan aadna sidaa ku dhaafto howshii noloshaadana ay noqoto mid wada riyo ah oo aad kunooshahay yididilo dhereyn

NO2. Ka taqalus waxyaabaha ku mashquuliya oo niyada geli howsha aad qabaneyso.

Dhamaanten wax asaagen naga reebay waa inaan 24saac aan ku jirno tiktok iyo wixii lamida aynaan garaneyn faaidada waqtiga uuleeyahay dhalinyarnimadu waa wax aad ucajiib ah waxaana ku wanaagsanthay ama laguu siiyey inaad ka faaideysato dhalinyarnimadaada hadaba ficilkaan ah inaad caadysatey inaad 24saac social mediaha aad dhex fadhido sidii in aadba waxba aadan aheyn aad tahay qashin oo kale

Iska daa waxa kujeedinaya oo faraha ka qaad waxaas kedib niyadaada geli waxa aad qaban laheyd manta si aad unoqoto mid xaqiijiya guulo badan.

NO3. Qorshee oo qor habenki intaadan seexan .

Hadii aad sameyso labada qorshe oo kore waxaa lagma marmaan ah inaad leedahay qorshe kuu dagsan oo aad kusocoto waxna kuuma hagaagayan hadii aadan laheyn wax qorshe ah oo aad kusocoto maalinkaas waxaa iskaga kaa darsamaya howlihii iyo waqtiyada ku haboon ooaad qaban laheyd sidaas darteed qor intaadan seexan wax birito aad qaban lahyed ama aad xaqiijin laheyd .

NO4. Sameyso howlo cayiman waqti cayimanna usamee.

Howlaha aad qabaneyso waa iney leeyihiin waqti cayiman howluhna ay yihiin kuwo cayiman tani waxey kaa caawineysaa inaad waqti kooban ku qabato shaqooyin badan waxaana kusoo hari doona waqti badan oo aad noloshaada wax ku tarto maalinkaas .

4taan qoddob hadiii aad xaqiijiso waxaad noqoneysaa qof waqtigiisu uleeyahay faaido waxaana heli doontaa waqtiyo badan oo aad noloshaada wax ugu qabato .

Post a Comment